Hi. I am a

Intelligence Analyst
& Security Specialist
salman

01.

About Me

Anigu waxaan ahay Falanqeeye Sirdoon iyo Khabiir Amni oo u heellan ilaalinta Danaha dalkayga anigoo adeegsanaya falanqayn istiraatiiji ah iyo tallaabooyin amni oo firfircoon. Waxaan ku takhasusay ururinta, qiimeynta, iyo fasiraadda xogaha sirdoonka ee ka imanaya ilo kala duwan, anigoo bixinaya talooyin wax ku ool ah si dalkayga amnigiisa uu unoqdo mid la isku haleen karo

Waxaan ku fiicanahay ogaanshaha khataraha suurtogalka ah, qiimeynta halista, iyo hirgelinta tallaabooyin kahortag u ah qataro lamaleegaayay

02.

My Creative Expertise

Anigu waxaan ahay Salman Abdirizak Nuh — askari amniga iyo baare khibrad sare leh. Waxaan ku takhasusay ilaalinta, baaritaanka iyo falanqaynta xogta amni, anigoo adeegsanaya hababka OSINT iyo waayo-aragnimo ciidanka ah. Halkaan waxaan ku soo bandhigayaa inyar oo ka tirsan khibradaheyga. 

1. Khibrad Ciidan – 3 Sanno

Muddo saddex sano ah waxaan ka shaqeeyay ciidanka, halkaasoo aan ku bartay xirfadaha amniga, ilaalinta, iyo la socodka khataraha. Khibradani waxay i siisay faham qoto dheer oo ku saabsan nidaamyada amniga, qorsheynta hawlgallada, iyo sida looga hortago khataraha si waxtar leh.

2. Khibrad Macalinimo – Raage Ugaas Primary & Secondary School

Waxaan soo dhigay casharro kala duwan oo ardayda lagu baro aqoon iyo anshax. Khibradani waxay horumarisay xirfadaha isgaarsiinta, hoggaaminta, iyo maaraynta koox. Sidoo kale, waxay i siisay awood aan ku fahmo baahiyaha dadka iyo sida loo dhiirrigeliyo horumar waxbarasho.

3. Khibrad Computer Skills

Waxaan leeyahay xirfado computer oo dhameystiran, oo ay ku jiraan Microsoft Office (Word, Excel, PowerPoint), software-ka falanqaynta xogta, iyo isticmaalka nidaamyada amniga elektaroonigga. Xirfaddani waxay fududeysay ururinta iyo falanqaynta xogta si loo gaaro go’aan-qaadasho sax ah

a57a5813 80e5 49f2 b012 e109661740c0
Salman maalin Baan arki doonaa adoo dalkaan maamulaayo, ilaahay dadaalkan aad wadid madayici doono
Taliye Cali Adan Cusman
Dhamme

Halkaan Igala Soo Xariir

+252 61 5082951